Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

1364

Muqdisho (UM) – Safiirka Soomaaliya u fadhiyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii dowladda Kenya shalay ku dhawaaqay in ay safiirkeeda ka jooga Soomaaliya Lucas Tumbo dib ugu yeeratay, sidoo kalena dib u celisay safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya.

Kenya ayaa ka carootay xaraash ay sheegtay in lagu sameeyay gayi badeedkeeda oo Soomaaliya ay shir ka dhacay London kusoo bandhigtay, sida lagu sheegay warka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya waxaa safarka ku wehliyay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo marwada kowaad ee dalka Zaynab Cabdi Macallin oo xalay ku hoday magaalada Nairobi kaddib safar dibadda ah oo ay ka yimaadeen.

Kenya ayaa waxa ay ku tilmaantay Soomaaliya dowlad deris ah oo cadow ku ah Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali war ka soo saarin warkaan ka soo baxay Kenya.

Dhawaan ayay dowladda Soomaaliya waxay shir ka dhacay magaalada London kusoo bandhigtay xogta baarista shidaalka Soomaaliya.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ka dhaxeeya muran ku saabsan xuduudeed baddeedka ay waddaan labada dal taasi oo ay dacwadeeda ka socoto maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague ee dalka Netherlands.