Midowga Yurub oo hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela u aqoonsaday Madaxweynaha ku meel gaarka ah

734

UK, Faransiiska, Jarmalka, Spain iyo dalal kale oo Yurub ka tirsan ayaa si ramsi ah u aqoonsaday hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guaidó inuu yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Venezuela.

Waxa ay timid kaddib markii madaxweyne Nicolás Maduro uu diiday baaqii Axadii ay Midowga Yurub uu soo jeediyeen inuu doorashooyin waqtigooda laga soo hormariyay uu qabta.

Mr Guaidó ayaa ku dhawaaqay inuu inuu yahay Madaxweynaha ku meel gaarka ah bishii hore isagoo ku guulaystay taageerada Mareykanka.

Ruushka – oo taageere wayn u ah Mr Maduro – ayaa ku eedeeyay waddamada Yurub in ay fargelin ku hayaan arrimaha gudaha Venezuela.

Iyadoo uu sii kordhayo caadiska ah inuu xilka ka dego Mr Maduro, ayaa waxa uu meesha ka saaray suuratagalnimada dagaalka sockeye.

Wareysi Telefishinka laga baahiyay, ayuu uga digay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu Aqalka Cad kala tagi doono ” Gacmo dhiigleh” haddii fargelin militari uu ku sameeyo qalaasaha Venezuela, taasi oo shaki gelisay sharciyada dib u doorashada sanafjii hore.

Mr Guaido ayaa Axaddii sheegay in uu dhisi doono isbahaysi caalami ah si gargaar bani’aadanimo loo gaarsiiyo dadka Venezuela.

Ka hor kulanka Golaha Qaranka Venezuela ayuu sheegay Mr Guaidó in dastuurku uu u oggolaanayo inuu awood ku meel-gaar ah u yeesho marka madaxweynaha loo arko mid sharci darro ah.