Madaxweyne Trump oo sheegay in ay suuragal tahay in ciidanka Mareykanka la geeyo Venezuela

783

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar uu  ka jawaabayay su’aal lagu weydiiyay barnaamijka ka baxa Telefishinka CBS ee dalka Mareykanka waxa uu sheegay in waxyaabaha miiska saran ay ka mid yihiin ciidan la geeyo dalka Venezuela oo ay ka jiraan qalaalse siyaasadeed.

Madaxweyne Trump ayaa si weyn u ammaanay hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guido oo uu ku tilmaamay nin da yar oo aad u firfircoon.

Mareykanka ayaa hoggaamiyaha mucaaaradka Juan Guido oo iskiis madaxweynimo isku magacaabay 23kii bisha Janaury u aqoonsaday Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalka Venezuela, waxaana Mareykanku uu hormuud ka yahay olole lagu doonayo in awoodda looga tuuro Madaxweyne Nicolas Maduro.

Madaxweyne Trump ayaa markii u horreysay daboolka ka qaaday in madaxweynaha Venezuella Nicolas Maduro uu ka codsaday in ay kulmaan, hase ahaate uu Trump diiday sababo la xiriira xaaladda adag ee ay ku noolyihiin dadka Venezuela oo Trump uu u arko in ay sabab u tahay dowladda Madaxweyne Maduro.

Dalalka Jarmalka , Faransiiska, Spain iyo Britan ayaa ku goodiyay in ay aqoonsan doonaan hoggaamiyaha mucaaradka haddii Madaxweyne Maduro uusan ku dhawaaqin doorasho cusub oo madaxtinimo.

Waddamo kale oo ay Kanada ka mid tahay ayaa sidoo kale aqoonsaday hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guido oo horay iskiis isku  magacaabay.

Inkasta oo mucaarado xooggan uu la kulmayo Nicolas Maduro ayaa haddana waxaa wali uu heystaa taageerada Ruushka  ,Shiinaha iyo Turkiga oo si weynu u diiddan afganbi ka dhaca dalka Venezuella oo ku yaalla Koonfurta Amerika.