Muqdisho ( UM) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.
Waxan ku faraxsanahay in aan wadahadal mira dhal ah oo ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda & horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya la yeeshay Safiirka Mareykanka H.E. Donald Y. Yamamoto. USA waa taageere muhiim u ah dib-u-habeynteena Maaliyeed & saaxiibka Soomaaliya & dadkeedaba. pic.twitter.com/Hf2UNfzbVq
— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) February 3, 2019
Wasiir Beyleh iyo Safiirka Mareykanka ayaa ka wadahadal arrimaha dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in safiirka Mareykanka sidoo kale ka wadahadaleen horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidoo loo xoojin wadashaqeynta safaarada iyo wasaaradda Maaliyadda ee ku aadan arrimaha dib u habaybta Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Safiirka Shiinaaha ee Soomaaliya Qin Jian oo ay sidoo kale ka wadahadaleen dib u habaybta Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.
Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan wax ku ool ah oo ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadeedka & horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya la yeeshay maanta Safiirka Shiinaha H.E. Qin Jian. Shiinaha waa taageere muhiim ah & saaxiib xiriir taariikhi ah laleh Soomaaliya. pic.twitter.com/LuamxOsqu2
— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) February 3, 2019

























