Iran oo soo bandhigtay gantaal cusub oo kuwa riddada dheer ah

931
Iran oo soo bandhigtay gantaal cusub oo kuwa riddada dheer ah. Sawirka: AF

Iran ayaa dabaaldegga afartan guuradii ka soo wareegtay markii kacaanka Iran uu qabsaday dalkaas kusoo beegtay gantaal cusub oo ridadiisu gaareyso 1350 kiilo mitir oo ay sameeyeen ciidanka Iiraan.

Gantaalkaan oo loogu magac daray magaalada Hoveyzeh oo ah magaalo ku taalla koonfur galbeed Iran oo ku caanbaxday dagaalkii Ciraaq ayaa lagu daahfuray bandhig ay ciidanka Iran kusoo bandhigaan guulaha dhanka farsamada ay ka gaareen.

Wasiirka difaaca Iran oo sharaxaad ka bixinaya gantaalka cusub ayaa sheegay in  gantaalkaan uu kaliya u baahanyahay waqti yar oo lagu diyaariyo isla markaana uu ku duuli karo joog hoose. Gantaalka ayuu tilmaamay in tijaabadii uu galay uu si fiican ugu guuleystay isaga oo jaray masaafo dhan 1200 kiilo mitir sidii la rabayna u haleeyay bartilmaadkiisii.

Wasiirka difaaca Iran ayaa hoosta ka xariiqay in gantaalka uu muujinayo  kalsoonida ay dadka reer Iran isku qabaan iyo sida aan loo joojin karin rabitaankooda.

Dhanka kale koox hubeysan ayaa dalka Iran waxa ay ku dileen hal qof shan kalena waxaa soo gaaray kaddib markii weerar lagu qaaday xarun ciidanka Iran ay ku leeyihiin koonfur dalka Iran oo uu ka socday dabaaldegga 40 guuradii kacaanka islaamiga ah ee Iran.