Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalka Talyaaniga ayaa caddeeyay mowqifka dalkiisa ee ku aaddan xiisada dalka Venazuella waxaana uu sheegay in Talyaaniga aysan aqoonsaneyn hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guido oo iskiis iskugu magacaabay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Venezuela. Manlio De Stefano ayaa Telefishinka 2000 Network ee dalka Talyaaniga u sheegay in danta ugu weyn ay tahay in dagaal uusan ka dhicin dalka Talyaaniga.
Stefano ayaa intaas ku daray in cid kasta ay ogtahay waxa laga dhaxli karo maamul la rido oo Libya ay in badan garawsadeen in ay ahayd gef la sameeyay.
Hadalka wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ayaa imaanaya maalin kaddib markii Midowga Yurub ay u coddeeyeen qaraar aqoonsaya maadxweyne iskiis isku magacaabay ee dalka Venezuela Juan Guido.
Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga Enzo Milanesi oo aan ka tirsaneyn xisbiga aqlabiyadda ee M5S ee xukuma dalka Talyaaniga ayaa horay u taageeray go`aanka Midowga Yurub ee ahaa in la qabto doorasho, hase ahaate ma uusan caddeyn waqtiga kama dambeysta ah ay ka filayaan in doorashada la qabto.
Talyaaniga ayaa u muuqda in uu wax iska badalay go`aankoodii hore oo hadda ay doonayaan in ay taageeraan dowladda sharciga ee Madaxweyne Nicolas Maduro.
Dalal ay ka mid yihiin Ruushka, Iiraan,Turkiga, China , Kuuba ayaa wali garab taagan madaxweyne Nicolsa Maduro oo wajahaya cadaadis xooggan oo uga imaanaya dalal uu Mareykanka hormuud ka yahay.


























