Miqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay maanta wafdi ay hoggaaminaysay u qaabbilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadeynta ee Xafiiska Xoghaya Qaramada Midoobey Rosemary A. DiCarlo.
Madaxweynaha JFS ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Marwo Rosemary A. DiCarlo, oo ah u qaabbilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadaynta ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey QM taageerada ay u fidiyaan Dowladda Soomaaliya. pic.twitter.com/HPYgnOd9Ja
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) January 30, 2019
Madaxweynaha Farmaajo ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada ay u fidiyaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa horreyntii bishaan Janaayo waxa ay dalka ka erisay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom kaddib markii ay sheegtay inuu faregeliyay arrimaha gudaha Soomaaliya.

























