R/W Kheyre oo la kulmay Safiirada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

721

Muqdisho (UM) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay safiirada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Kulan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya la yeeshay safiirada Midowga Yurub ayaa looga hadlay caqabadaha dalka uu wajahayo iyo halbeegyada la tiigsanayo in la gaaro sanadka 2019-ka.

Sidoo kale kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Safiirada dalalka Yurub u fadhiya Soomaaliya ayaa looga hadlay hawlgal dib u habaybta ee hadda socda iyo sida Midowga Yurub uga taageeri karto dadaaladaan dhinacyada nabadda iyo horumarka.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah deeq bixiyayaasha calaamka ee dowladda Soomaaliya ka taageera dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarka.