Baarlamaanka UK oo Cod aqlabiyad leh ku diiday heshiiskii ka bixitaanka Midowga Yurub

1324

Baarlamaanka Waddanka Ingiriiska ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday heshiiskii Raysal Wasaaraha Ingiriisku soo hor dhigtay ee ka bixitaanka Midawga Yurub kaas oo in muddo ahba uu wada xajoodkiisu u socday wadanka Ingiriiska iyo Midowga Yurub. Laba boqol iyo laba cod (202) ayaa u codeeyay heshiiska halka ay diideen Afar boqol iyo sodon iyo laba (432) xildhibaan waxaana sidaa ku guul daraystay dadaalkii Dowladda ay hogaamiso Raysal Wasaare Theresa May ay muddooyiniii danbe oo dhan ka shaqaynaysay hirgalinta heshiiskan dhicisoobay.

Lama garanaayo diidmada caawa ee Baarlamaanka inay keeni doonto doorasho xiligeeda ka soo hormarta iyo in mar labaad afti dadweyne la qaado iyadoo siwayn isha loogu hayo suuqyada Ganacsiga oo saamayn ay arrintani ku yeelan doonto.

Hogaamiyaha mucaraadka Jeremy Corbyn ayaa isla markiiba ka gudbiyey mooshin codka kalsoonidda loogu qaadayo dowladda Ingiriiska iyadoo hadii aqlabiyadda xildhibaanadu u codeyaan kalsooni kala noqoshada dowladda ay sababi doonto inay dhacdo dowladda xilligan talada heysa, midaas oo qasbi doonta in doorasho degdeg ah loo dareero, balse waxaa muuqata in wadanka Ingiriisku uu hada galay xaalad hubanti la’aan ah, gaar ahaan nuuca xiriir ee mustaqbalka uu la yeelan doona Midowga Yurub.