Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka.
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiga 4-aad ee G/Shacabka ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada uga mahadceliyay shaqooyinkii ay qabteen intii uu socday Kalfadhigii 4-aad. pic.twitter.com/xOs9Fa2Dgj
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) January 15, 2019
Madaxweynaha ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay shaqooyinkii ay qabteen intii uu socday Kalfadhigii 4-aad, isaga oo ka dhawaajiyay ansixinta sharciyo muhiim u ah dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in sannadkan cusub ay xukuumaddu xoogga saarayso dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed iyo xoreynta dhulka ay haystaan kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa xusay inuu ka shaqayn doono xallinta khilaafka ka dhexeeya labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in is-afgaranwaa kasta oo ka dhex dhasha shacabka Soomaaliyeed ay iyagu dhammaysan doonaan, oo aan loo baahnayn dhinac saddexaad oo soo farageliya arrimaha gudaha dalka.
Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, labadiisa ku xigeen, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo marti sharaf kale.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay isbeddel lagu sameeyay xeerka maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo sidoo kale Xeerka Hanti dhawrka Guud ee Qaranka oo isna wax ka beddelka lagu sameeyay.


























