
Mareykanka oo ciidamo u diray dalka Gabon
Mareykanka ayaa ciidan geeyay dalka Gabon oo daris la ah dalka jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo oo ay ka jirto cabsi la xiriirta natiijada doorashada dhawaan dhacday.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa congress-ka u sheegay in qaybtii koowaad oo hordhac u ah ciidan gaaraya 80 ay tageen dalka Gabon iyaga oo ilaalin doono xarumaha Mareykanku ku leeyahay dalka jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo iyo waliba muwaadiniinta Mareykanka haddii ay rabshado ka dhashaan doorashada lagu wado in lagu dhawaaqo maalinta axadda.
Guddiga doorashada ee dalka jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ayaa sheegay in laga yaabo in dib u dhac uu ku yimaado ku dhawaaqista natiijada doorashada sababo la xiriira natiijooyinka qaar oo soo daahaya.
Ciidanka Mareykanka ayaa sii joogi doona dalka Gabon oo daris la ah dalka jamhuuriyadda dimuquraadiga ee Congo.
Si weyn ayaa looga digaya in ay rabshado ka dhashaan doorashada oo labada dhinacbs ay guul ka sheegteen.
Mareykanka ayaa laga yaabaa in ay ciidan dheeri ah keenaan dalka Gabon si ay ugu gurmadaan dadka Mareykanka haddii ay rabshado ka dhashaan natiijada doorashada oo lagu dhawaaqi doono.
























