Markab kalluumaysi sharci darro ah ka wadday Biyaha Soomaaliya oo hub lagu qabtay

920
Ciidamada Badda Hindiya oo sheegay in ay hub ku qabteen markab kalluumaysi sharci darro ah ka wadday Biyaha Soomaaliya. Sawirka: India Navy

Markab dagaal oo laga leeyihiin ciidamada Badda dalka Hindiya oo ilaalo ka hayay xeebaha gacanka Cadmeed, ayaa qabtay marka kalluumaysi sharci darro ah ka wadday Biyaha Soomaaliya oo hub iyo saanad ay saarnaayeen.

Markabkaan ayaa looga shakiyay inuu kalluumaysi sharci darro ah uu samaynayay Sabtidii, meel qiyaastii 25 Kabul xeebaha Soomaaliya u jirta, una dhaw nawaaxiga in jisiirada Socotra, sida mas’uuliyiin sheegeen.

Baaritaan kaddib, waxaa la ogaaday in markabku uu samaynayay agaaga kalluumaysi sharci-darro iyadoo ay saarnaayeen afar qori oo kuwa AK-47-ga ah iyo hal qori oo kuwa loo yaqaano ah ( one Light Machine Gun) oo ay wehliyaan rasaasta hubka.

“Ciidama badda Hindiya ayaab qabatay hubka iyo rasaasta markabka, iyada oo hoos imaanaysa hay’adda UNSCR 2383 (2017). Markabka ayaa aad loo baaray oo loo oggolaaday inuu sii socdo, ka dib markii lala wareegay hubka iyo rasaasta, si looga hortago isticmaalka sharci darrada ah Marin hawlaha burcad-badeedda la xirira, “ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Badda Hindiya DK Sharma.

Ciidama badda Hindiya ma aysan sheegeen cidda iska lahayd markabka kallumaysiga sharci darrada ah ka wadday biyaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay dib u dhisayo Ciidamadeeda Badda iyadoo gacan ka helaysa dowladda Turkiga.