Muqdisho (UM) Hey’ada Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in hawlgal qorsheysan oo ciidanka amniga Soomaaliya ka fuliyeen magaalada Muqdisho lagu soo qabtay ninkii ka dambeeyay weerarkii horrentii bishaan aan ku jirin ee Noveembar lagu qaaday Huteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Qoraal Twitter-ka Hey’ada NISA la soo dhigay ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku dhigeen maskaxdii ka dambeysay weeraradii 9 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay, ayaa ciidanka amnigu kusoo qabtay mid kamid ah maskaxdii maleegtay weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi 9-kii Nofembar.
Waxaana la horgayn doonaa sharciga.— NISA (@HSNQ_NISA) November 29, 2018
Weerarkii Huteel Saxafi ayaa waxa lagu dilay dad badan oo rayid ah isagoo sidoo kalena gaystay burbur hantiyadeed oo badan.


























