Trump: CIA-du kuma eedeyn amiirka Sacuudiga dilkii Khaashuqji

820
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in CIA-da Mareykanka aysan ku eedayn amiirka Sacuudiga Maxamed bin Salmaan dilkii Jamal Khaashuqji. Sawirka: Google

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in CIA-da aysan ku eedeynin dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan amarkii lagu lagu dilay Suxufigii Jamal Khaashuqji.

Khaashuqji ayaa lagu dilay 2dii Oktoobar qunsuliyada Sacuudi Carabiya ee maagalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Saraakiisha Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka hawlgalkaan oo kale uu u baahan lahay ogolaanshaha amiirka.

“Ma aysan soo gabagabeyn,” Mr Trump ayaa yiri markii la weydiiyay qiimaynta CIA-da ee dilka Jamal Khaashuqji.

“Waxay dareemayaan siyaabo gaar ah, waxaan haystaa warbixinta, ma aysan soo gabagabeyn, ma garanayo in qofi uu awood u yeelanayo in uu soo yiraahdo dhaxal sugaha ayaa sameeyay” ayuu yiri Trump.

Madaxweyne Trump ayaa toddobaadkaan si adag u difaacay xiriirka kala dhaxeeya Sacuudiga kaddib markii warbixin CIA-da Mareykanka ay soo saartay ay ku eedeeysay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu bixiyay amarka lagu dilay Jamal Khaashuqji.

Sacuudi Carabiya ayaa ugu yeertay eedeymaha mid been ah waxa ayna ku adkaysatay in dhaxal sugaha uusan waxba ka ogayn qorshaha dilka Jamal Khaashuqji.

Wargeyska Hurriyet ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa wariyay Khamistii in Ms Gina Haspel madaxa CIA-da Mareykanka ay u sheegtay mas’uuliyiinta Turkiga bishii hore in CIA-da ay duubtay in dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan oo amar ku bixinaya in ” la aamusiyo” Suxufiga Sacuudiga u dhashay Jamal Khaashuqji sida ugu dhaqsaha badan.