Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo Muqdisho soo gaaray

1281

Muqdisho (UM) – Safiirka cusub ee dowladda Mareykanka ee Soomaaliya loo soo magacaabay dhawaan Danjiire Donald Y. Yamamoto ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Danjire Donald Yamamoto oo hogaamin doono Howlgalka Mareykanka Soomaaliya ayaa ah mid ka mid ah danjirayaasha ugu sarreeya Mareykanka ee ku sugan qaarada Afrika, imaanshihiisa ayaa tusaale u ah muhiimadda ay dowladda Mareykanku siinayso xiriirka aan ay leedahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed. Sida lagu war qoraal ah oo ka soo baxay Safaarada barteeda Twitter-ka.

Danjiire Yamamoto ayaa rajeynaya in uu la shaqeeyo qaybaha bulshada Soomaaliyeed sida hoggaamiyayaasha dhallinyarada, haweenka, barayaasha, hoggaamiyeyaasha beelaha iyo dhaqanka, kooxaha bulshada rayidka ah, ganacsatada, madaxda Xukuumadda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada, iyo asxaabta qaybaha amniga si Soomaaliya looga taageero dhisidda mustaqbal wanaagsan. Ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Danjire Donald Yamamoto u soo magacaabay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, waxa uu beddelayaa danjire Stephen Schwartz oo iska casilay jagada bishii Oktoobar ee sanadkii hore.