Baarlamaanka oo ansixiyay ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2018

757
Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya/ Somali MPs Photo/Google

Muqdisho (UM) – Xildhibaannda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda 2018-ka kaddib dood dheer oo ay ka yesheen.

Ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda 2018 waxaa si wadajir ah u soo diyaariyay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya iyo guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Baarlamaanka.

153 mudane ayaa ogolaaday, 2 xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan sida guddoonka Baarlamaanka ku dhawaaqay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo kulanka ka hadlay ayaa golaha shacabka ugu mahad celiyay sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa dhawrkio maalmood ee la soo dhaafay kalfadhiyo kala duwan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka oo ay uga doodayeen ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2018-ka.