Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Aqalka Sare oo si rasmi ah loo furay

811

Muqdisho ( UM) – Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Golaha Aqalka Sare munaasabada furitaanka kal-fadhiga 4-aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka kal-fadhiga 4-aad ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ku xigeenka 1aad, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole ee iyo mas’uuliyiin ka socotay safaraada Qatar.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo hadlay furitaanka ayaa sheegay in nidaamka Federaalka uu yahay nooc ku cusub dalka loona baahan yahay in laga baaraan dego nooca la qaadanayo iyo sida ugu habboon ee loo hirgelin karo, iyada oo aan la dhaawicin jiritaankeenna Qarannimo.

Sidoo kale,Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda la joogo meel laga ambaqaadi karo,islamarkaana ay muhiim tahay in si dhab ah loo dhaqan geliyo dastuurka KMG ah, iyadoo la tixgelinayo Hay’ad kasta oo ka tirsan Hay’adaha dastuuriga ah ee loo igmaday.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay “Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa loo igmaday metelaadda Dowlo Goboleedyada iyo ilaalinta Nidaamka Federaalka ee Dalku qaatay. Haddaba, si Aqalku si dhab ah uga war-haayo arrimaha Federaaleynta ee dalka ka socota, waxaa looga fadhiyaa Dowladda Dhexe iyo Dowlo Goboledyada in ay ku ixtiraamaan Aqalka Sare kaliintiisa Dastuuriga ah ee ku qeexan Qod. 61aad(1) (3) iyo 71-aad ee Dastuurka KMG ah,”.

Golaha Aqalka Sare oo furitaankiisa kalfadhiga 4-aad bishii hore dib u dhac ku yimid ayaa maanta si rasmi ah u furmay.