Midowga Yurub oo 100 milyan oo Yuuro siinaysa dowladda Soomaaliya

790

Muqdisho (UM) – Midowga Yurub ayaa dowladda Soomaaliya maanta la saxiixday heshiis dhanka Miisaaniyadda dowladda lagu kabayo oo gaaraya 100 milyan oo lacagta Yuurada ah.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xaafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu saxiixay heshiiskaan iyadoo dowladdu sheegtay in miisaaniyadaan lacageed bangiga dhexe ee dowladda la soo marsiin doono.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo hadal kooban ka jeediyay muunasada lagu saxiixay heshiiskaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aduunku aaminay markii ay ku qanceen dib u habaynta hannaanka Maaliyadda, isagoo sheegay in lacagtaan lagu kabi doono miisaaniyadda Xukuumadda, si toos ahna ay dowladdu u maali doonto.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay heshiiska Miisaaniyadeed ee maanta uu saxiixay ay tahay taageeradii dhaqaale ee ugu horresay ee dowladda Federaalka Soomaaliya la soo marsiiyo.
Waxa uu sheegay in tani ay tijaabo iyo dhiirigelin ay u tahay horumarka ay dowladda samaysay ilaa iyo hadda.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay arrinti tilmaan u tahay kalsoonida sii kordhaysa ee aduunku ku qabo nidaamka dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa taageero dhaqaale oo kale duwan u balan qaado waddamo iyo hey’addo caalami ah oo kala duwan balse heshiiska maanta Midowga Yurub dowladda Soomaaliya la saxiixday ee uu lacagta ku siinayo ayaa ah Miisaaniyadii ugu horresay oo si toos ah qasnada dowladda loo marsiiyo oo ay maamusho.