Muqdisho ( UM) – Waxaa magaalada Muqdisho saaka ka socda xusus baroodiiq qaran ah oo loo sameynayo dadkii lagu dilay weerarkii 14kii October sanadkiii hore.
Waxaa laga dhisay goobtii qaraxu ka dhacay ee Isgoyska Soobbe Astaan lagu qoray 14-ka Oktoober oo lagu xasuusanayo dadkii lagu xasuuqay weerarkaas.
Waxaa la filayaa in Madaxda Qaranka oo igu horreyo Madaxweyne Farmaajo ay booqdaan Isgooyska Soobbe halkaasina uu dadweynaha kula hadlo. Qaraxii 14-kii October ee sanadkii hore ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 500 qof halka kun qof in ka badana ay ku dhawacmeen, sidoo kale hanti badan ay ku burburay.
Waxa la xiray saaka inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho xususta baroordiiqda qaran ee la sameynayo dadkii ku dhintay qaraxii Soobbe awgeed.


























