Wasiirka Qorshaynta iyo Maalgashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Muhumad Xasan ayaa ku guuleystay doorashada kursi ka bannaan Aqalka Hoose ee Baarlammaanka Soomaaliya oo maanta lagu qabtay magaalada Garoowe.
Doorashadani waxaa ku tartamay labo murashax oo kala ahaa Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Maxamuud Cabdullaahi Maxamed.
Madasha doorashada waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Guddiga Doorashada Heer Qaran, Guddiga Doorashada Heer Gobol, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland, xildhibaano ka socday labada aqal ee Baarlammaanka Federaalka iyo kan Puntland; madax dhaqameed iyo xubno matelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil ayaa ku dhawaaqday natiijada doorashada, iyadoo sheegtay in Wasiir Jamaal Maxamed helay 49 cod oo kamid ah codadka 51ka ergo, halka murashaxii la tartamayey wax cod ah helin, labo kamid ah codadkuna ay xumaadeen.
Kursiga maanta doorashadiisu dhacday oo deegaan-doorashadiisu tahay gobolka Sanaag, waxaa bishii hore ee Semptember horraanteedii si iskiis ah isaga casilay Xildhibaan Dhahar Cali Faarax.