Ra`iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najiib Rezak ayaa lagu helay eedo gaaraya 25 kuwaas oo isugu jira wax isdaba marin iyo ku tagrifal awoodeed intii uu ahaa ra`iisul wasaaraha dalka Malaysia.
Eedaha ugu badan oo maanta oo khamiis ah ay maxkamadu ku heshay waxaa ka mid ah lacago tiro badan oo uu si aan sharci aheyn ku helay isla markaana ku dhacday xisaabta bangigiisa gaarka ah.
Lacagahaas waxaa ka mid ah lacag loogu talo galay sanduuqa hormarinta Malaysia oo la wayay meel ay ka baxday. Ilaa iyo hadda lama oga sida loo isticmaalay lacagahaas oo gaarayay dhawr bilyan.
Najiib Rezak ayay maxkamdu ku eedeeysay in isaga oo isticmaalaya xilalkii kala duwanaa oo uu soo qabtay sida wasiirka maaliyadda, madaxa sanduuqa hormarinta Malaysia iyo ra`iisul wasaaraha dalka uu helay lacag gaareeysa$556.23 million intii u dhaxeysay 2011 ilaa iyo 2014.
Najiib Rezak ayaa waxa looga adkaaday doorashadii dalkaas ka dhacday bishii May ee sannadkaan oo si lama filaan ah uu ugu guuleystay Mahatir Mohamed oo dib u furay baaritaankii lacagtii la lunsaday ee sanduuqda hormarinta Malaysia.