Wasaaradda arrimaha gudaha oo war ka soo saartay xaaladaha siyaasadeed ee dalka

798

Muqdisho (UM) – Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa maanta war qoraal ah oo ay soo saartay  ku sheegtay in ay diyaar u tahay in ay ka caawiso maamul goboleedyada doorashooyinka ka dhacaya deegaanadooda. Wasaaradda waxay uga digtay maamulada waqtigoodu dhammaaday in waqti kordhin la sameeyo oo dastuurka la baalmaro, waxay taas baadlkeeda  ku boorisay madaxda in doorashooyinka la qabto.

Dhanka kale wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ugu baaqday madaxda Galmudug in ay soo afjaraan khilaafka oo ay u hoggaansamaan heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo ay wasaaradda arrimaha gudaha war ka soo saarto doorashooyinka iyo xaaladaha siyaaasadeed ee dalka oo dhawaanahaan ay ka curteen khilaafyo siyaasadeed u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe iyo sidoo kale maamul goboleedyada qaar wixii ka danbeeyay shirki golaha iskaashiga maamul goboleedyada  ee ka dhacay magaalada Kismaayo kaas oo maamul goboleedyada ay xiriirka ugu jareen dowladda federaalka.