Diyaarad rakaab oo ku burburtay Koonfurta Suudaan

1041

Ugu yaraan lix qof ayaa dhimatay kaddib markii diyaaradii ay ku safrayeen ay ku dhacday wabi ku yaalla dalka Koonfurta Suudaan.

Diyaaradaan oo aheyd nuuca yaryar ee la kireysto  ayaa sidday dad gaaraya 20 qof kuwaas oo u safrayay magaalada Yirool , iyaga ka kicitimay garoonka caasimadda Jubba.

“ Wali waxaan meydadka ka soo  saareeynaa wabiga maadaama ay diyaaraddu ku dhacday wabiga” Sidaas  waxaa goobjooge ka soo xigtay wakaaladda wararka AFP.

Ilaa iyo hadda saddax qof ayuu xaqiijiyay radio Miraya oo ah idaacad ay maamusho Qaramada Midoobay in ay ka badbaadeen buruburka diyaaradda sida laga soo xigtay guddoomiyaha gobalka musiibadu ka dhacday ee Eastern Lake.

Dadka badbaaday ayaa waxaa ka mid ah dhaqtar Talyaani ah iy nin baadari ah oo maamula kaniisad ku taal magaalada Yirool ee dalka Koonfurta Suudaan.

Masawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dadweynaha magaalada shilku ka dhacay oo isku dayaya in ay dadka ka soo dhex bixiyaan burburka diyaaradda.

Wali waxaan caddeeyn waxa keenay burburka diyaaradda iyo tirada kama dambeysta ah ee wax ku noqotay ama ka badbaaday musiibadaan.