Shirka iskaashiga maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in uu maanta si rasmi uga furmo magaalada Kismaayo ee xaruunta maamulka Jubbaland.
Shirkaan oo ay ka qayb galayaan dhammaan madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in looga hadlo xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimo kale oo xasaasi sida awood qaybsiga, xiriirka dawladda iyo maamul goboleedyada, dhameystirka dasturka iyo doorashada la filayo in ay dhacdo.
Guddoomiyaha madasha iskaashiga maamul goboleedyada Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in shirka looga hadli doono arrimo masiiri ah oo dan u ah dalka soomaaliya.Waxa kale oo uu tilmaamayin sidoo kale shirkaan looga arrinsan doono dib u eegista wixii ka dhaqan galay heshiisyadii hore ee dhexmaray dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada.
Shirkaan kulmiyay madaxda maamul goboleedyada ayaa imaanaya iyada oo xiriirka maamulada qaar iyo dawladda dhexe uu mugdi galay. Maamulka Jubbaland ayaa dhawaanahaan eed kulul u jeediyay dawladda iyaga oo ku eedeeyay in farogalin ku hayaan maamulka Jubbaland.
Shirkaan oo lagu muujinayo midnimada maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in uu ka soo baxo war murtiyeed lagu muujinayo mowqifka rasmiga ah ee maamul goboleedyada.