Dhawr qof oo Soomaali ah ayaa guul ka gaaray doorasho ka dhacday gobolka Minissota oo iskugu jirtay mid aqalka sharci dajinta gobolka Minnisota iyo mid heer Federaal ah. Soomaali badan ayaa ka qayb qaatay tartanka si ay uga mid noqdaan golaha sharci dajinta gobolka Minnisota .
Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur ayaa ku guuleystay doorasho deegaameedkii ka dhacday gobolka Minisota sidaa darteed waxay ka mid noqonayaan golaha sharci dajinta Minnesota.
Dhanka kale doorashadii aadka loo sugayay ayaa aheyd tan kursiga golaha sharci dajinta Maraykanka oo ay u tartameysay Ilhaan Cumar oo horay uga tirsaneeyd golaha sharci dajinta Minnosta.Ilhaan Cumar ayaa guul weyn ka gaartay doorashada hordhaca ah iyada oo heshay codad gaaraya 59,322 oo u dhiganta 48.1.
Ilhaan Cumar oo ku guuleeysatay kursiga degmada shanaad ee congresska waxa ay badali doontaa Keith Ellison oo horay gobolka Minnisota ugu matali jiray golaha sharci dajinta heer Federaal.