Xoghayaha gaashaandhigga dalka Britain Gavin Williamson ayaa manta soo gaaray magaalada Muqdisho.Xoghayaha ayaa kulan la qatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaj oo ay ka wada hadleen amminga guud ee geeska Afrika iyo sidii dalka Britain qayb uga noqon lahaa dadaalada dib u habeynta loogu sameynayo heya’daha amniga dalka.
Sidoo kale xogahaya ayaa kulan la qaatay taliyaha ciidanka xoogga dalka Cabdiwali Jaamac Gorod iyo wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Cali Maxamed.Kulanka ayay labada dhinac uga wada hadleen sidii loo dhisi lahaa ciidan Soomaaliyeed oo tayooda iyo akhloqduba wanaagsantahay.Xogahayuna waxa uu caddeeyay sida ay Britain uga go’antahay taageerida dhismaha ciidanka Soomaaliyeed.
Xogahaya oo wali sii wata kulamada uu la qaadanayo qaybaha amnigadalka ka qayb qaata ayaa ugu danbeyn booqday oo la kulmay taliska Amisom, isaga oo kala hadlay qorsahaha kala guurka iyo halka ay wax marayaan.Waxa uu u xaqiiqjiayay ciidanka Amisom sida ay Britain ugu heelantahay taageerada ciidanka Amisom oo uu sheegay in ay olole ugu jiraan si loo cusbooneysiiyo taageeraha dhaqaale ee Amisom.