Guddiga sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ansaxiyay qaraar ogolaanaya in baarayaal caalami ah oo ka socda maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada Dagaalka ICC loo diro Israel.
Guddiga ayaa sharciyad u haysta in ay baaraan haddii Israel ay Ku kacday dambiyo dagaal ka dib xasuuqii Falastiiniinta dhowaan loogu gaystay xadka magaalada Qaza ay la leedahay Israel.
Qaraarka Guddiga uu ansaxiyay ayaa waxaa taageeray 29 dowladood, Australia iyo Maraykanka ayaa codkooda “Maya” Ku dhiibtay Halka 14 dowladoodna ay ka aamuseen.
The 28th Special Session of the Council "Violations of international law in the context of large-scale civilian protests in the #OPT, including East Jerusalem" has concluded.
The draft Resolution has been adopted by 29 votes in favor, 2 against, 14 abstentions. pic.twitter.com/C1MOS6aTPn— United Nations Human Rights Council (@UN_HRC) May 18, 2018
Madaxa Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Falastiin iyo Israel ayaa sheegay in Israel ay awood xad dhaaf u isticmaashay banaanbaxayaal aan hubaysnayn taasi oo ah Ku xad gudub shuruucda Caalamiga ah iyo sidoo kale dambi dagaal.
In ka badan 60 qof ayaa ciidamada Israel ay dileen hal maalin oo Kali ah ayadoo in ka badan 2,000 oo qof sidoo kale la dhaawacay


























