Shirweynaha dib u eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay

846

Muqdisho (UM) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirweynaha qaraxan ee dib u eegsita dastuurka, waxaana ka qeybgalay furitaankiisa madaxda DFS iyo dadweyne badan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi , Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Xasan Cali ayaa ka hadlay furitaanka munaasabadda shirkaan. sidoo kale  300 qof oo ka dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ka yimid iyo mas’uuliyiin kale ayaa shirkaan ka qeybgalaya.

Shirkaan ayaa socon doona illaa 15-ka bishan May, waxaana looga hadlayaa inta uu socdo qabyo-tirka dastuura iyo arrimo  kale oo isla dastuurka ah.

Dhammaan madaxdii halkaasi ka hadashay ayaa sheegay in muhiim yahay in la dhammeystiro dastuurka dalka u yaalla, lagana saaro qabyada.