Dagaal ku dhexmaray labo kooxood oo iska soo horjeeda caasimadda dalka Libya ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 96 qof, oo ay ku dad rayid ah, sida ah sheegeen saraakiisha.
Wasaaraddda caafimaadka Libya ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli, ayaa sheegtay in 11 qof, oo ay ku jiraan shan rayid ah ay ku dhinteen habeenkii Khamiista dagaal dhexeeyay Maleeshiyo ka tirsan dowladda Qamarada Midoobay taageerto iyo maleeshiyo kale oo ka yimid labo magaalo oo u dhaw caasimadda.
Qof dadka deegaanka ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee DPA in dadka qaar ku ay ka soo big waayeen guryahooda hubka culus oo la is dhaafsanayay awgeed.
Dagaalkaan wuxuu ku jabiyay heshiiskii xabbad joojinta ee Qaramada Midoobey ee 4-kii Sebtembar, wuxuuna hoosta ka xariiqay sharci-darrada Libya ka jirta tan iyo sannadkii 2011-kii markii xukunka looga tuuray kacdoon ay taageeraysay NATO hoggaamiyihii muddada dheer Muammar Gaddafi.