Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya kadib markii in muddo 9 bil ah safaaradooda Soomaaliya ay safiir la’aan aheyd.
Mr, Trump waxaa uu safiirkiisa Soomaaliya u mgacaabay Donald Yamamoto , waxaa kale uu isla shalay magacaabay ambassador Kevin Sullivan oo u fadhin-doonna Nicaragua.
Safiirka Soomaaliya loo soo magacaabay ee Yamamoto, waxaa uu madax ka yahay xafiiska Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda, waxaa uu horay u soo noqday safiirka Mareykanka ee Itoobiya 2006-2009 iyo Djibouti 2000-2003.
October sanadkii hore, waxaa jagadan safiirnimada Mareykanka ee Soomaaliya iska casilay Stephen Schwartz, ninkan waxaa la sheegay inuu isku casilay arrimo isaga u gaar ah, laakin warar xilligaas soo baxay waxaa ay sheegeen inay isku dhaceen aqalka cad.
Mareykanka waxaa uu howlgallo ka dhan Al-shabaab ka fuliyaa gudaha Soomaaliya, waxaa uu sidoo kale ka mid yahay dalalka tababarka u fidiyo ciidamada Soomaaliya.