74aad guuradii aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo Muqdisho laga xusay

940

(UM) –  Waxaa maanta looga dabbaaldegay magaalada Muqdisho sanad guuradii 74aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Munaasabadaan oo ay ka qeygaleen Madaxda Qaranka iyo saraakiisha kala duwan  ee hey’adaha amniga ayaa lagu qabtay xarunta Booliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aadan munaasabadda aasaaska u diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.