Japan, ayaa maanta oo Axad ah ay u tahay 72 sanad guuradii kasoo wareegatay markii 1945 magaalada Hiroshima lagu dhuftay nuclear-kii ugu horeeyay caalamka.
6-dii August 1945 maalinimadii Axadda maanta oo kale ayay ahayd markii dowladda Maraykanka ay Nuclear Ku dhufatay magaalada Hiroshima ee dalka Japan taasi oo soo dadajisay in Japan ay is dhiibto xiligaas oo uu soo gebabeboobay dagaalkii labaad ee aduunka.
Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Shinzo Abbé oo dadka reer Japan kula hadlayay Qubuuraha dadkii Ku dhintay magaalada Hiroshima ayaa waxaa uu sheegay inay tahay in 7 da biliyeen ee caalamka Ku nool inay Ku noolaadan ama arkaan caalamka oo aan oolin wax nuclear ah taasi oo ay tahay in quwadaha hubkaasi haysta ay isku raacaan.
Waxay ahayd markii ugu horaysay ee la isticmaalo nuclear sidoo kalena ahayd markii ugu dambaysay hase ahaatee lama oga waxa dhici doonaa mustaqbalka maadaama dowlado badan oo cadow isku ah uu gacanta ugu jiro hubkaasi.
Hogaamiyihii haayay madaxtinimada Maraykanka ee xiligaas Mr Truman ayaa saxiixay in nuclear lagu garaaco magaalada Hiroshima taasi oo keentay in daqiiqad gudaheed ay dhintaan in ka badan 140,000 oo qof.
Seddex maalmood ka dib waxaa nuclear kale lagu dhuftay magaalada Nagasaki halkaasi oo ay Ku nafwaayeen in ka badan 74,000 oo qof.
Waxaa loo arkayay in labadaasi Bomb ay soo gebagebeeyeen dagaalkii labaad ee aduunka Japan na ay is dhiibto.
Taariikhyahno badan ayaa qaba in bombka ka hor xubnaha golaha Sare ee Japan ay ka xaajoonayeen sidii ay isu dhibi lahaayeen.
“Isticmaalidda hubkaasi waxaa ay ahayd mid aanan loo baahnayn bomb kaasna ma uusan keenin in Japan ay isa soo dhiibto ee waxaa sabab u ahaa Stalin, hogaamiyihii midowgii Soviet, sida maalimo ka hor lagu qoray majaladda siyaasadda caalamka ka faaloota ee foreign policy taasi oo cinwaan looga dhigay ” the bomb didn’t beet Japan—- Stalin did”