7 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Afghanistan

1250

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay Magaalada Jalalabad ee Bariga dalka Afghanistaan.

TV-ga Tolo News ayaa sheegay in Qaraxa uu geystay Qof watay Mooto oo waxyaabaha Qarxa isku soo xiray, waxaana uu ka dhacay Garoonka Shirzai Stadium, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Boqolaal dad ah.

Attahullah Khogyani, oo ah Afhayeenka gobolka Nangarhar ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dadka dhintay Qaraxaasi ay ku jiraan haween iyo Caruur.