63 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Afghanistan

399

Qof bam isku soo xiray aya isku Qaraxiyay goob xaflad aroos ka socotay caasimada dalka Afgaanistaan ee Kabul, halkaas oo ay ku dhinteen 63 qof halka ay ku dhaawacmeen in kabadan 180.

Goobjoogayaal ayaa BBC u sheegay in qof is-miidaamiyey uu walxaha qarxa ku qarxiyay xaflad aroos.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ku taal galbeedka magaalada oo ay ku badan yihiin dadka haysta madhabta Shiicada.

Kooxda Taliban ayaa beenisay inay iyagu ka dambeeyeen weerarka. Ma jirto koox kale oo sheegatay inay fulisay weerarka.

Kooxaha Sunniyiinta ah, oo ay ku jiraan Taalibaan iyo kooxda Daacish, ayaa dhowr jeer bartilmaamedsaday dadka laga tirada badan yahay ee Shia Hazara ee Afqaanistan iyo Pakistan

Wasaaradda arrimaha gudaha Afqanistaan ayaa xaqiijisay tirada dhuumashada saacado kaddib qaraxa. Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay maydad ku firirsan qolka qaraxu ka dhacay.

SHARE