Muqdisho (UM) Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhintay iyadoo dad badan oo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo is xigxigay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa kowaad ayaa ka dhacay bar koontoraal ciidamadu gawaarida ku joojiyaan oo ku taalla meel aad ugu dhaw guriga Hooyooyinka iyo Tiyaatarka Qaran halka qaraxa labaad uu ka dhacay taallada dal jirka Daahsoon aan sidaa uga fogayn.
Sidoo kale qaraxyada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaac fudud ka soo gaaray Guddoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada iyo amniga Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Tuulax iyadoo sidoo kale la sheegay in waxyeelo ka soo gaartay ilaaladiisa gaarka ah.
Qaraxyada ayaa u gaystay burbur xoogan dhismayaasha u dhaw iyo gadiid goobta ka agdhawaa intaba.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan wali wax war ah ka soo saarin khasaaraha ka dhashay qaraxyadaan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ma jirto cid sheegatay ilaa hadda mas’uuliyada qaraxyadaan.