
Ugu yaraan 6 ruux ayaa xaqiijiyay in ay ku dhinteen diyaarad wadday xamuul gargaar oo ku burburtay meel u dhaw garoonka diyaaraha ee magaalada Bardaale ee Gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeeed Soomaaliya.
Wasiirka Gaadiidka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed Idaacadda BBC-da la hadlay ayaa sheegay inysan jirin cid ka badbaaday shilka diyaarada.
Diyaaradda la sheegay in ay ka soo kacday magaalada Baydbabo ayaa burburtay inta badan sida ay muujanayaan sawirro la qaaday goobta diyaaradu ku dhacday oo baraha bulshada lagu faafiyay.
Warar aan ka xajiijin ayaa sheegay in diyaarada oo ku dhaw qeybta diyaaraduhu ku ordaan marka ay degayaan wax lagu dhuftay taasi oo sababtay burburka diyaarada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan wali wax war ah ka soo saarin diyaarada Bardaale ku dhacday. Diyaarada waxa iska lahayd shirka diyaarah ee African Express oo ah shirkad laga leeyahay dalka Kenya.