57 qof oo ku dhintay diyaarad rakaab oo ku burburtay Pakistan

701
Ugu yaraan 60 qof oo ayaa ku dhintay shilka diyaarada rakaabka ah oo ku burburtay Karachi oo ah magaalada ugu wayn Pakistan. Express Tribune

Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhintay, iyadoo daraasiin kale oo badana laga cabsi qabo in ay dhinteen, kadib markii diyaarad rakaab ah oo nooceedu ahaa A320 ay ku burburtay xaafad la dega yahay xilli ay kusii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Karachi ee Koonfurta dalka Pakistan,ay sheegeen saraakiisha dalkaasi .

Ugu yaraan laba rakaab ah oo ka mid ah diyaaradda Pakistan International Airlines (PIA) duulimaadkeeda PK-8303 oo ka socota bariga magaalada Lahore una sii jeeda Karachi ayaa ka badbaaday shilka Jimcihii, afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ayaa u sheegay Telefinishma Al Jazeera. Dadka ka badbaaday shilka ayaa waxaa ku jira Guddoomiyaha Bangiga Punjab Zafar Masud.

Warbixinno ku saabsan tirada dadka diyaaradda saarnaa xilliga shilka ayaa sheegaya in ay u dhaxaysay 91 iyo 99 qof.

“Waxaan helnay ilaa hadda 54 mayd.” Waxaan awoodnay kaliya inaan aqoonsano seddex kamid ah meydadka ilaa iyo hada, gubashada daran awgeed. ” Meeran Yousuf ayaa khadka taleefanka ku ku yiri.

Ugu yaraan lix qof oo dhulka ku suganaa markii diyaaraddu ku burburtay guryo ku yaal aagga dadku ku badan yahay ee Karachi, oo u dhaw garoonka caalamiga ah ee magaalada Karachi, ayaa laga daweeyay dhaawacyadooda, ayay ku dartay.

Warbaahinta ayaa sheegaysa sidoo kale in diyaarada inta aysan dhicin ay isku dayday in ay saddex jeer caga dhigato garoonka diyaaraha ee magaalada Karachi.

Telefishinka Dunya News ee Pakistan ayaa ku waramay in uu helay duubista wada-hadallada kantaroolka hawada, oo sidoo kale lagu la soo dhigay barta internet-ka ee liveatc.net. Duubista la sii daayay, duuliyaha ayaa sheegaya in diyaaradda “ay ka luntay laba matoor”. Dhowr ilbiriqsi ka dib wuxuu wacay “mayday, mayday, mayday” – waa wadahadalkii ugu dambeeyay ee diyaaradda.

Diyaarada oo nuuceedu ahaa Airbus A320 ayaa waxaa iska lahaa shirkadda diyaaraha ee Pakistan International Airlines (PIA) ee dalka Pakistan.