57 qof oo ku dhintay booyad shidaal oo dab ku qabsaday Tanzania

647

Ugu yaraan 57 qof ayaa ku dhimatay 65 kalena way ku dhaawacmeen qarax booyad shidaal oo ka dhacay Tansaaniya, sida ay sheegeen booliska.

Qaraxa ayaa dhacay ka dhacay Morogoro, oo ah magaalo qiyaastii 200 kilo mitir dhinaca galbeed ka xigta caasimadda ee Daarusalaam, kadib markii dad aad u badan ay isugu soo urureen goobta uu ka dhacay shilka booyada.

In badan oo ka mid ah dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba waxay shidaal ka shubanayeen gaariga markii uu holac iyo dab uu qabsaday, sida ay sheegeen booliiska iyo goobjoogayaal.

Muuqaal fiidiyow ah oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee ITV Tansaaniya ayaa u muuqday mid muujinaya dad aad u badan oo watay baaldiyo iyo jirgaano oo booyada ku sii socda, halka sawirro laga soo qaaday qarax kaddib ay u muuqdeen inay muujinayaan burburka mootooyinka iyo maydad gubtay.

“Waxaan ka xunahay warbixinno la xiriira shil baabuur oo ka dhacay Marogoro, kaasoo dab qabsaday oo gubay dhowr qof,” af-hayeenka dawladda, Hassan Abbasi ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray.

Malcolm Webb, oo ah Wariye tirsan Telefishinka Al Jazeera kuna sugan magaalada Nairobi, ayaa sheegay in gudoomiyaha gobolka uu sheegay in ugu yaraan 50 qof ay dhinteen laakiin ilo boolis ah ayaa soo jeediyay in tirada ay intaas ka badnaan karto, xitaa laga yaabo in ay laban laabto.