53 askari oo lagu dilay weerar ka dhacay Maali

661

Ugu yaraan 53 askari iyo qof rayid ah ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday xarun militari oo ku taal waqooyiga bari ee dalka Maali, sida uu sheegay wasiirka Warfaafinta ee dalkaasi.

Weerarka, oo ahaa midkii ugu dhimashada badnaa ee ciidamada Maali lagu qaado, ayaa ka dhacay deegaanka Indelimane, oo ku taal gobolka Menaka ee u dhow xadka ay wadaagaan Niger iyo Maali, sida uu Yaya Sangare wasiirka Warfaafinta uu bartiisa Twitter ku qoray.

Wasiirka ayaa sheegay in hadda xaalada la xakameeyay oo gacanta ciidanka ku jirto.

Waxaa uu sheegay in toban ruux oo nool goobta weerarka laga helay taasi oo khaasaro wayn uu soo gaaray, balse faahfaahin dheeraad ah ma bixin.

Maxamed Vall oo Telefishinka Al Jazeera uga soo warma dalka Mali ayaa sheegay in weerarka ay ku lug lahaayeen ugu yaraan saddex qof oo ismiidaamiyey oo waxyaabaha qarxa ku dhex qarxiyay xerada milateriga, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhinaca amniga ah.

Wuxuu intaas ku daray tirada dhimashada in ay sare u kici karto. Ma jirto cid wali sheegatay masuuliyada weerarka.

Weeraradan ayaa imanaya bil kadib markii laba weerar lagu dilay 40 askari meel u dhaw xadka ay wadaagaan Burkina Faso, laakiin ilo wareedyo dhowr ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in tirada dhimashada ay intaasi ka badan tahay.