50 Tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo ku dhintay xeebaha dalka Yemen

869

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka aduunka ayaa sheegtay in dadka wax tahriibiya ay si kas ah u quusiyeen ku dhawaad 50 qof oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan muhaajiriin ahaa xeebaha waddanka Yamen.

Hay’adda socdaalka aduunka ee loo yaqaano I.O.M ayaa sheegtay in ka badan boqol iyo labaatan qof oo tahriibayaal ah lagu qasbay inay isku tuuraan badda maalintii Arbacada.

Shaqaalaha gar gaarka ee hay’addaha samafalka ayaa meydadka sagaal iyo labaatan qof oo tahriibayaal ah kasoo saaray xeeb ku taala waddanka Yamen.

Meydadka muhaajiriintaan ayaa waxaa lagu aasay qabuuro waa weyn, waxa ayna u muuqataa in ay halkaasi ku aaseen dad kale oo badbaaday.

In ka badan Labaatan kale oo tahriibayaal ah ayaanan la ogeyn jaan iyo cirib halka ay ku dambeeyeen.

Inta badan dadkii tahriibayay ee saarnaa doonta ayaa lasoo sheegayaa in ay u badnaayeen dhallinyaro, kuwaasi oo ku haminayay in ay tahriib ku gaalaan waddamada Carabta iyaga oo sii maraya Yaman.