50 mayd ah oo laga helay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo

96

Wararka laga helayo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo, ayaa sheegaya in doon quustay ay sababtay geerida 50 qof, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha gobalka Tshuapa, ee dalka Congo oo ah gobalka mashaqadu ay ka dhacday.

Waxaa la sheegay in doonta ay Ku safraysay wabiga Mombovo kana soo baxday Monkoto kuna sii jeeday  Mbadanka.

Guddoomiye Ku xigeenka gobalka Tshuapa Richard Mboyo Iluka, ayaa wakaaladda wararka AFP, u sheegay in ay Heleen Ku dhowad 50 qof oo mayd ah kadib markii dooni ay kula qalibantay wabiga Mombovo.

SHARE