Ka dib muddo Toddobo sano oo la sugayay inay doorasho ka dhacdo Somaliland, waxaa markan loo dareerayaa in dadku ay soo doortaan hogaamiyihii maamulkaasi hogaamin lahaa Sanadaha soo aadan.
Halkan Hoose waxaan idin kugu soo gudbinaynayaa Shan shay oo aad uga baahan tahay in aad doorashadaasi ka ogaato
Rumaha
- Somaliland waa gobal ku yaala waqooyiga Soomaaliya oo ay ku nool yihiin 3.5 million oo qof. 13-ka November ayay dhacaysaa doorashada
- Doorashadu waa tii ugu horaysay tan iyo 2010-kii
- Geedi socodka Doorashada waxaa goobjooge ka ah kornoogto Caalami ah
- Saddex Musharax ayaa u tartamaysa inay doorashada ku guulaystaan
Waa maxay sababta ay muhiimka u tahay doorashadan?
Dadka reer Somaliland ayaa 13 ka bishan oo Barri Ku began waxaa ay u dareerayaan doorasho muddo badan ay baajiyeen murano siyaasadeed, Abaarro iyo Caqabado kale.
Doorashada waa tii Saddaxaad ee Somaliland ka dhacda tan iyo intii maamulkaasi uu Ku dhawaaqay in Soomaaliya inteeda kale uu ka go’ay sanadkii 1991-kii.
Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, oo dowladiisa lagu eedeeyay Musuq-maasuq, Awood sheegasho iyo saaxibtinimo shaqo ku siin (nepotism) waa uu is casilayaa, marks dareenka doorashada waa mid sare.
“Is badelka hogaanka Maamulka ka dib markii uu soo dhammaaday waqtiga maamul muddo badan dib u dhigay doorashada waa mid muhiim ah gaar ahaan kuwa sugayay in xukunka qabtaan” sidaa waxaa qaba Maxamed Faarax oo ah agaasimaha Akdheemiyadda Nabadda iyo Hormarinta Somaliland
Waa maxay waxyaabaha horyaala maamulka doorashada kusoo baxay?
Heshiiska maamulka Siilaanyo iyo Imaaraadka Carabta dhexmaray gaar ahaan dekadda Berbera iyo heshiiska ku aadan dhismaha xarunta militari ee Imaaraadka.
Nadaamka Doorashada Somaliland waa mid dimuqraadi ah hase ahaatee Saddexda xisbi ee Somaliland waxaa ay ka fogaadeen in doorashada lagu lifaaqo hanaan qabiil. Laakin qabiilku wali door wayn ayuu ka ciyaarayaa doorashada.
Saddexda musharax waxaa ay ka soo jeedaan bal Beel hase yeeshee waxaa ay isbahayso lakala samaysteen Jufoonka Qabaa’ilada.
Yaa u taagan?
Saddexda musharax ee doonaya inay kursiga ka baddalaan Siilaanyo, madaxwaynaha haatan ee Somaliland.
Muuse Biixi Cabdi oo u tartamaya xisbiga tallada haya ee Kulmiye.
Waxaa uu ahaa Taliyihii hore ee ururkii mucaaradka ku ahaa Xukuumaddii militariga ahayd ee Maxamed Siyaad Bare urukaasi oo loo yaqaanay SNM ( Somali National Movement).
Waxaa uu ahaa wasiirkii Arrimaha Gudaha sanadkii 1990-kii.
Biixi, waxaa uu tartan xoogan kala kulmi doonaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Ciro, oo 12 sano ahaa Afhayeenka Baarlamaanka Somaliland.
Xisbiga Ciro, ee Wadani, waa xisbiga mucaaradka ku ah heshiiska Xukuumadda Siilaayo ay la gashay Imaaraadka.
Waxaa uu sheegay in hadii uu doorashada Ku guulaysto heshiisyadaasi uu baabi’in doono ama dib u eegis wayn uu ku samayn doono.
Musharaxa kale waa Faysal Cali Waraabe kaasi oo u taagan xisbiga UCID (Justice and Welfare Party).
Waraabe, ayaa mucaarad ahaa tan iyo sanadkii 2000.
Waa maxay waxa ay ka fikirayaan Beesha Caalamka?
Doorashada waxaa kor joogte ka ah korjoogte ka socda ururka Howlgalka korjoogtada Doorashada EOM (Election Observation Mission) kaasi oo ay maalgaliso dowladda Ingiriiska oo ay ka mid yihiin 60 korjoogte caalami ah oo ka socda 27 dal.
Goormee ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo Natiijada Doorashada?
Doorashada waxaa ay dhacaysaa 13 ka November, natiijaduna lama filayo in lagu dhawaaqo ilaa iyo 17-ka November.