49 qof oo lagu dilay masaajiddo ku yaalla dalka New Zealand

669
Ugu yaraan afartan qof ayaa lagu dilay weerarka toogashada ah ee ka dhacay labo masjid ee ku yaalla magaalada christchurch ee dalka New Zealand. AFP

Ugu yaraan 49 qof ayaa lagu dilay weerarka toogasho oo rag hubaysan ay ku qaadeen labo masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Ra’iisul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern oo shir jaraa’id qabtay ayaa Saxaafadda u sheegtay in 49 qof lagu dilay weerar argagixiso 48 kalena dhaawac halis ah loo gaystay. Xilliga weerar ku dhacay ayaa dadku waxa ay isku diyaarinayeen khudbadda saaladda Jimcaha.

Madaxa Booliiska New Zealand, Mike Bush ayaa sheegay in 4 ruux oo looga shaki sanyahay weerarka la xiray- saddex rag ah iyo qof dumar ah. Booliiska ayaa sido kale sheegay in ay jiraan dad kale oo laga cabsi qabo in ay weeraro kale gaystaan oo lagu raad joogo.

Sam Clarke, oo ah wariye ka tirsan a Telefishinka TVNZ, oo ka hadlay dad badan oo ku jiray gudaha Masjidka Al Noor markii weerarka toogashada bilowday ayaa u sheegay Telefishinka Al Jazeera in nin ku hubaysan qoriga darandooriga u dhaca uh galay isagoo bilaabay toogasho.

Masaajidada Al Noor iyo Linwood waa labada masjid ee ku yaalla magaalada christchurch ee la weeraray. Dadku lagu dilay weerarka waxaa ku jira dad Soomaali ah oo masjidka ku jiray. Wali lama xaqiijin tirada muwaadiniinta Soomaalida ah ee ka mid ah dadka weerar labada masjid lagu dilay.

Masaajida New Zealand ayaa loo sheegay in ay albaabadooda xiraan. Afarta qof ee la xiray, waxaa ku jira qof u dhashay dalka Australian.