Ugu yaraan 48 ruux ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee xarun waxbarasho oo ku taalla galbeedka caasimada Afgaanistaan ee Kabul sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaaadka Afghanistan.
Weerarka maanta oo Arbaca ah loo geystay xarunta Dasht-e- Barchi ayaa waxaa ku dhawacmay sidoo kale dad badan, sida uu Al Jazeera uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Caafimaad Afganistan.
Weerarka ayaa waxa geystay qof walxaha qarxa isku soo xiray oo isku qarxiyay xarunta dhexdeeda, sida uu sheegay Afhayeen Boliiska u hadlay.
Afhayeen u hadlay Taliban Zabihullah Mujahid, ayaa beeniyay in ay wax lug ah ku leeyihiin weerarka.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka. Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa hadal uu soo saaray ku cambaareeyay weerarka.