400,000 oo carruur ah oo qarka u saaran inay macluul ugu dhintaan dalka Congo

1072

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada iyo Carruurta ee UNICEF, ayaa waxaa ay six un uga dayrisay xaaladda ay ku jiraan kumanaan carruur ah oo ku nool Jamhuuriyadda Dimuqraadiga dalka Congo.

UNICEF, waxaa ay sheegtay in in ka badan 400,000  oo carruur ah oo ku nool dalkaasi Congo ay halis ugu jiraan inay macluul u dhinteen haddii si dhaqso ah gargaar bani’aadanimo loola gaarin.

Dagaallada u dhaxeeya dowladda Congo iyo maleeshiyaadka ka dagaallama gobalka Kasai, ee dalkaasi ayaa UNICEF, waxaa ay sheegtay inay keeneen ‘Duufaano’ Saboolnimo ah iyo waliba macluul adag taasi oo taabatay inta badan caruurta ku nool gobalkaasi.

Waxaa Ha’addu ay ku baaqday in la joojiyo gabood-falada ka dhanka ah carruurta islamarkaana laga wada shaqeeyo sidii gargaar rasmi ah loo gaarsiin lahaa carruurta ku dhibaataysan dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

770,000 oo carruur ah ayaa marxalad aad u adag ku jira 400,000 oo ka mid ah carruurtaasi waxaa ay qarka u saran yihiin macluul inay u dhintaan sida hay’addu ku warantay.