40 qof oo loo xiray dil Masar loogu gaystay wiil Soomaali ah

546

Booliiska dalka Masar ayaa sheegay in kooxo hubaysan ay dil u gaysteen will dhalin yaro Soomaali ah.

Muwaadinka la dilay oo lagu magacaabi jiray Shaakir ayaa da’diisa waxaa lagu qiyaasay 16 sano jir, Meydkiisa waxaa la geeyay cisbitaalka  xaafada Nasri City ee dalka Masar.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa waxa ay sheegeen inaan la aasi doonin Marxuumka ilaa ay ka soo gaba gaboobaan baaritaanada la xiriira dilkiisa, iyo ilaa laga soo qabanayo cidii ka dambaysay.

Dilka waxaa uu ka dhacay xaafada Nasri City, xilliga la dilayay  waxaa lagu waramay in uu ka soo baxay Maqaaxi halkaasi ku taalla.

Ciidamada ammaanka waxa ay gacanta ku soo dhigeen 40 qof oo Soomaali ah, hada baaritaano ayaa ku socda, sida warbaahinta dalka Masar ay Ku waramayaan.

Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa horey  u sheegay in ay gacanta kusoo  soo dhigeen rag la sheegay in ay dilal u geysteen qaar ka tirsan Soomaalida ku nool dalka Masar.

SHARE