40 qof oo ku dhintay dab ka kacay warshad ku taalla caasimadda Hindiya

592

In ka badan 40 qof ayaa ku dhimatay dab weyn oo ka kacay warshad ku taalla caasimada dalka Hindiya ee Delhi, sida ay saraakiisha dowladdu sheegeen.

Dabka ayaa ka kacay aroornimadii hore ee Axadda xaafadd hore qadiimii ah, iyadoo matoorrada dab-damiska goobta la geeyay.

Daraasiin shaqaale ah ayaa hurdayay gudaha dhismaha dabaqyada badan leh warshada wakhtigaas, sida ay sheegeen kooxaha adeegyada gurmadka degdeg ah. Waxaa jira cabsi laga qabo in tirada dhimashadu sii kororto.

Wasiirka Arimaha Gudaha Amit Shah ayaa ku tilmaamay “musiibo naxdin leh oo galaafatay nolosha dad qaaliga ah”.

Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa sheegay in dabkaasi ahaa mid naxdin leh mas’uuliyiintana “ay samaynayaan dhammaan gargaarka suurtagalka ah ee goobta musiibadu ka dhacday”.

Kooxaha damdamisma magaalada Delhi aya helay wicitaankii ugu horreeyay ee ku saabsan dabka markay ahayd 05:22 waqtiga maxalliga ah ee Delhi Axadda.

Meesha warshadu ku taal ayaa lagu magacaabaa suuqa Sadar Bazaar – waa suuqa ugu weyn magaalada. Waxay leedahay dariiqyo badan oo dhuuban, taas oo adkaysay in la damiyo dabka.