4 qof oo lagu dilay weerar middi oo ka dhacay magaalada Paris

618
Afar saraakiil Booliis ah ayaa lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Paris. Reuters

Ugu yaraan 4 sarkaal booliis ah ayaa lagu dilay weerar middi loo adeegsaday oo lagu qaaday xarunta dhexe ee booliska ee caasimada Faransiiska, Paris, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

Nin ku hubeysan middi ayaa la sheegay in uu weerar ku qaaday saldhig booliis oo ku yaalla magaalada Paris, ee dalka Faransiiska waxa uu dhaawac gaarsiisay qaar ka tirsan booliiska ka hor inta aan la toogan.

Ugu yaraan hal askari oo booliis ah ayuu gaarsiiyay dhaawac halis ah sida uu ku warramay Telefishinka BFM ee dalka Faransiiska. Ilo wareedyo ka tirsan booliiska ayaa wakaaladda wararka Reuters u xaqiijiyay in ninka la dilay.

Booliiska Faransiiska ayaan wali ka hadal weerarka lagu qaaday saldhigga dhexe ee magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.

Weerarka ayaa ilaa iyo hadda aan la ogeyn nuuca uu yahay iyo sababta ku kaliftay qofka weerarka geystay. Dalka Faransiiska ayaa marar hore ay ka dhaceen weeraro ay dad badani wax ku noqdeen.