4 qof oo ku dhintay Weerarkii Aqalka Koongareeska Mareykanka ee taageerayaasha Trump

559

Taageerayaal hubaysan ee madaxweyne Trump ah ayaa xoog ku galay dhismaha Capitol oo ah xarunta Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Booliska ayaa toogtay haweeney seddex kalena waxay u dhinteen “xaaladaha degdega ah ee caafimaadka”, booliska sheegay.

Koongarasku ayaa dib u shiray kadib rabshadihii oo hakiyay kalfadhigii lagu xaqiijinayay guushii doorashada Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

Mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga qaar waxay iskudayeen inay lalaalaan ama ka hor yimadaan  natiijooyinka gobolada qaarkood laakiin waxay waayeen taageero ku filan.

Trump wuxuu ugu baaqay taageerayaashiisa rabshadaha samaynayay inay guryahooda aadaan laakiin wuxuu ku celceliyay sheegashooyin been abuur ah in doorashada la xaday.

Gobolka Georgia, labo kursi oo doorashadoo lagu celiyay ayaa waxaa ku guulaystay labo Senator oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga taas <span;>isku dheelitirka awoodda Golaha Aqalka Senate-ka Mareykanka.

Madaxweynaha la doortay ee Biden oo ka hadlay rabshadaha xarunta Congress-ka ee ay sameeyeen taageerayaasha Madaxweyne Trump ayaa ku tilmaamay ” rabsho inqilaab ah” waxa uuna ugu baaqay Trump inuu taageerayasha la hadlo oo ay joojiyaan.

Congress-ka ayaa la filaa in ay ansixiyeen natiijada doorashada ee Madaxweynaha la doortay ee Biden iyo ku xigeenkiisa Kalama Harris.