Ayadoo duulaan xoogan xulafada Sacuudi Carabiya ay Ku qaadeen halbowlaha nolosha haatan ee dalka Yemen ee waa magaalada Dekadda leh ee Xudayda ayaa waxaa lagu soo waramayaa in xulafada durba dagaalkaasi ay askar kaga dhinteen.
Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalka ay Ku dhinteen Afar askari oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee dalka Imaaraadka Carabta oo duulaanka qaybta ka ahaa.
Wakaaladda wararka dalka Imaaraadka Carabta ee WAM, ayaa shaacisay magacyada askarta la dilay kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay:-
Khalifa Saif Said al-Khatri, Ali Mohammed Rashed al-Hassani, Sergeant Khamis Abdullah Khamis al-Zayudi and First Corporal Obeid Hamdan Said al-Abdouli.